Saturday, July 6, 2019

Adeegga 5G


USA iyo China - Dagaalka iyo Tartanka Adeega 5G
Waxaa tartan adag ka dhex socdaa wadamadda Mareykanka iyo China, waxaa la’isku hayaa hogaanka cilmiga technology-da. Dagaalkan ayaa ku saleysan cidda hogaanka u hayneysa horumarka laga gaaray technology-da mobile-ka. Labaddan wadan ayaa mid walba wuxuu lacago badan ku bixinayaa cilmibaarisyadda, Tusaale, Mareykaanku waxaa cilmibaarista uga baxda sanadki $ 476.5 Billion, halka China uu ku bixiyo sanadkii $ 370.6 (Xigasho, World Economic Forum).
Tartan dhanka tiknoolijiyadda ah ayaa ka dhex taagan labaddan wadan,, waxaa orod loogu jiraa cidda dhameystireysa adeega 5G. Hadaba su’aashu waxay tahay 5G muxuu yahay, muxuuse kaga duwan yahay 4G.
5G waa jiilka 5aad ee Iskuxirka Mobile Internetka (Mobile Internet Connectivity), wuxuu leeyahay xawaare aad u sareeya, awoodna u leh in il-biriqsiyo wax lagula dego (Download) ama lagu diro (Upload) , halka 4G hadda ay ku qaadato daqiiqaddo.
5G wuxuu ka xoogbadan yahay 4G, ilaa 100 jeer,, tusaale marka lasoo dejisanayo filim , 3G waxay ku qaadata 26 saac, halka 4G ay ku qaadato 6 daqiiqo,, 5G-na waxay noqon 3.5 Seconds.
Marxaladaha lasoo marey, ee uu Mareykanku horyaalka ka ahaa;
Galbeedku waxay horkacayeen 1G illaa 4G,,,, balse waxaa looga dheereeyey 5G,, Jiilasha lasoo marey waxay kala yihiin sidan; 1G waxaa lahindisay sanadkii 1980, wuxuuna sahlay in dadku wadda hadlo, iyagoo mobile isticmaalaya (Jiilki Hadalka),, halka kan xigey la hindisay 1990, waxaana loo bixiyey 2G – Waa jeelki 2aad waxaana lasoo kordhiyey in fariimo qoraal ah la’isku diri karo (Jiilki Fariimaha Qoraalka),, 3G oo yimid sanadkii 2003, waxaa soo kordhay in khadka internetka mobiles-ka loo isticmaalo (Jiilki Internetka),,,, Halka 2009 la hindisay adeega 4G – Waa jiilka xawaaraha internetka la hormariyey,,, Waxaa hadda lagu howlan yahay jiilka shanaad 5G kaasi oo howl geli doona 2020ka,, waxaa halkaas ka muuqata 10kii sanoba in adeeg cusub loo guurayey,, halka bulshadda Soomaaliyeedna gadaal usocotay.
Shirkadda Huawei
Shirkadda Huawei waa shirkad Chines ah, waxaana asaasay madaxna ka ah nin ka tirsanaan jiray dowladda China,, Shirkadani waxay hormuud ku noqotay horumarinta technology-da 5G,, wadamo badan ayaa dalabaad kasameystay shirkaddan Huawei,, taasina waxay cabsi ku abuurtay Mareykanka iyo Reer Galbeedka. Waxayna keentay in dagaal lagu qaado, lagana mamnuuco wadamo badan oo reer galbeed ah, waxaa Canada lagu xirey gabadh ka tirsan madaxda shirkadda Huawei.
Waa maxay Cabsida Mareykanka iyo Reer Galbeedka
Haddii Huawei iyo China ay sidaas ku socdaan, wadamo badan ayaa qalabka iyo softwares-ka 5G kasoo gadanaya shirkadan,,, taasi oo awood usiineysa shirkadaha amniga China inney dhexgeli karaan Qalabka Shirkadaha, xogo badana labixi karaan sirdoonka Chines-ku, madaama xogta dhexmarisana ay heli karaan.
Mareykanu wuxuu ku doodayaa, Qalabka 5G, haddii laga soo gato Huawei oo Chines ah, waxay dhaawici kartaa western values, waxayna khatar ku tahay amniga wadamadda reer galbeedka.
Ganacsiga Internetka - Soomaaliya
Soomaaliya waxaan weli sifiican uga hirgelin adeega 4G, waxaase soo baxay 5G, 5G wuxuu fursad u yahay shirkadaha cusub ee suuqa internetka soo galaya (Sida AMTEL ama Somtel) taasi oo ah inney wixii maal gelin ah ku jeediyaan adeegan cusub ee 5G,,, Shirkadaha maalgashadan Fibre Optica arinkani ma farxad gelinayo,, balse weli waa u fursad. 5G insfrusture-kiisa waxaa lagu qiyaasin in lacago badan ku baxayaan, balse adeeganu wuxuu waxbadan ka badalayaa adeegyadda internetka “The Internet of Things”
Gabogabaddii,,Adeega 5G wuxuu kor uqaadin isku xirka caafimaadka, isagoo sahlaya in qaliin ay galaan dhakatiir meelo kala duwan jooga, sidoo kale wuxuu sahlin isticmaalka driverless cars,, waxaase uu khatar ku keenaya Habka Sadaasha Hawadda, waxaa khalkhal gelaya saxnaanshaha sadaasha cimiladda,,, iyo khataro dhanka caafimaadka ah.

No comments:

Post a Comment

EYL CANJEEL TAARIIKHDII DARAAWIISHTA

Heshiiskii Ilig lagu kala qortay 5-marso-1905 ka dib ayaa Ingiriisku wuxuu isku dayay inuu Daraawiish qalaanqal iyo xumaan ka dhex abuur...